Baydhabo-{WMN}- Maxkamadda sare ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay Isniintii inay dhegaysan doonto laba dacwadood oo ka dhan ah shirkadaha waaweyn ee iska leh baraha isgaadhsiinta bulshada, taas oo lagu eedaynayo shirkadahaasi inay qayb ku lahaayeen masuuliyadda weeraro argagixiso oo la qaaday, waxaana kooxda dacwoonaysaa ay doonayaan in shirkadahan lagu xukumo inay magdhaw bixiyaan
Ehelada dad lagu laayey weeraro argagixiso oo ka kala dhacay Faransiiska iyo Turkiga ayaa dacweeyey shirkadaha Google, Twitter iyo Facebook, iyaga oo ku eedeeyey in shirkadahani inay ka caawiyeen kooxaha xagjirka ah inay faafiyaan fariimahooda, si ay dadka u xagjireeyaan isla markaana dad cusub u qortaan
Maxkamadda Sare ayaa sheegtay inay dacwaddan dhegaysan doonto, inta lagu guda jiro, kal-fadhigoodan oo bilaabmay Isniintii, waxaana la filayaa inay ka go’aan gaadhaan inta ka horraysa dhammaadka bisha June ee soo socota. Maxkamaddu ma aysan sheegin, xilli gaar ah oo ay dhegaysan doonto dacwaddan, hase ahaatee waxaa la ogsoon yahay in jadwalka maxkamaddu uu buuxo bilaha October iyo November
Mid ka mida kiisaska ay maxkamadda sare dhegaysan doonto ayaa ah, Nohemi Gonzalez oo ah 23 jir u dhashay dalka Maraykanka oo wax ka baranayey magaalada Paris. Ardayga ayaa ka mid ahaa illaa 130 qof oo ay weerar ku dileen kooxda ISIS, bishii November ee sannadkii 2015
Ehelada Gonzalez ayaa dacweeyey shirkadda Google oo iska leh Youtube, iyaga oo sheegay inay ka caawisay kooxda ISIS inay soo bandhigaan boqollaal muuqaal ah oo gacan ka geystay hurinta rabshadaha iyo weliba inay qortaan taageerayaal cusub. Ehelada Gonzalez ayaa sheegtay in algorithms-ka computer-ada ee shirkaddu inay ka qayb qaateen faafinta muuqaallada kooxdaas, iyaga oo daawadayaasha gaadhsiinayey.