Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ku baaqday in cunaqabateyn dhinaca hubka ah iyo xayiraadyo lagu soo rogo shakhsiyaadka ku lugta leh dagaalka Itoobiya, si tallaabooyinkaas ay gacan uga geystaan ilaalinta dadka rayidka ah, xilli dagaalka halista ah ee Itoobiya uu ku sii xoogaysanayo gobolka Tigrayga.
Human Rights Watch waxay sheegtay in warbixinnada kasoo baxaya meelaha ay colaaduhu ka dhaceen ay ahaayeen kuwo “argagax leh.”
“Weerarradu waxay sababeen khasaare aan lasoo koobi karin oo soo gaaray dad rayid ah, oo ay ku jiraan shaqaalaha gargaarka oo bixinayay cunnada, burbur hanti iyo barakac baahsan,” ayay tiri agaasimaha Geeska Africa ee Humah Rights Watch Laetitia Bader oo hadal kooban ka jeedisay xaaladda Itoobiya.
“Keliya Eritrea oo xulufo la ah maahane waa in Itoobiya lagu soo rogo cunaqabatayn caalami ah, sababo la xiriira hab-dhaqankeeda colaadeed. Mareykanka iyo Midowga Yurub, iyo sidoo kale Golaha Ammaanka, waa inay adeegsadaan tallaabooyin ku habboon, oo ay ku jiraan cunaqabateynta la beegsanayo shakhsiyaadka ku lugta leh dagaalka iyo cunaqabateyn dhinaca hubka ah, si loo ilaaliyo rayidka halista ku jira,” ayay tiri Bader.
Dowladda Itoobiya ayaa todobaadkaan sheegtay inay qabsatay saddex magaalo oo ku yaalla gobolka waqooyi, halkaas oo ay dagaallo ku dhex marayeen xoogagga dowladda taageersan iyo TPLF tan iyo bishii Ogoosto kadib markii ay burburay xabbad-joojin hore loo gaaray.