Dowladda Kenya ayaa waxaa la sheegay in qaadka (jaadka) Miirow oo ay u soo dhoofiso Soomaaliya muddada Saddex bilood ah ee kasoo wareegtay markii la ilaabay dhoofinta jaadka ay ka heshay 4 Milyan oo lacagta Kenya ah una dhiganta 8 Milyan oo Dollar.
Sida uu Warbaahinta u sheegay Madaxa Qaadka Miraa iyo dalagyada kale ee warshadaha Kenya, Felix Mutwiri ayaa sheegay in illaa hadda ay dhoofiyeen 1.4 milyan oo kiilogaram oo Miirow ah wixii ka dambeeyay heshiiskii dhoofinta jaadka oo ay wada gaareen Soomaaliya & Kenya.
“Waxaan ilaa hadda dhoofinay 1.46 milyan oo kiilogaram oo Miira ah tan iyo markii aan dib u bilownay suuqa Soomaaliya bishii Luulyo, waxaana wali wadnaa wadahadallo lagu kordhinayo tirada maalmaha soo socda,” ayuu yiri Mr Mutwiri.
Dowladda Kenya ayaa la sheegay inay ka hesho lacag dhan $23 Dollar Kiilada qaadka Miirwoga ee Soomaaliya loo soo dhoofiyo, waxaana ka faa’iideysta Ganacsato farabadan oo Kenyan ah, kuwaas oo xilligii la joojiyay dhoofinta jaadka lacag farabadan khasaaray.
Jaadka ay dowladda Kenya u soo dhoofin jirtay Soomaaliya ayaa la joojiyay kadib markii labada dal isku qabteen arrimaha Badda iyo faragalin ay Kenya ku haysay arrimaha Soomaaliya, balse Dowladda Soomaaliya ay bishii July ogolaatay in Qaadka Kenya la keeno gudaha Soomaaliya, kadib wada hadalo ay yeesheen madaxda labada dal.