Baydhowy-{WMN}-Barcelona oo suuqii ugu dambeeyay xoojin weyn kooxdeeda ku samaysay ayaa wali baahi u qabta saxeexyo kale iyadoo lagu wado inay markale suuqa January iyo xagaaga dambeba dhaq dhaqaaq kale samayso.
Mid kamida xiddigaha ay Barca qaabka bilaashka ah ku bartilmaameedsan karto xagaaga dambe ayaa ah khadka dhexe ee Chelsea ee Jorginho.
Jorginho ayuu heshiiskiisa Chelsea dhacayaa xagaaga dambe walina aan galin wax wadahadalo ah oo uu kusii joogayo Stamford Bridge.
Haatan wargeyska Sport ayaa sheegaya in wakiilka Jorginho ee Santos uu agaasimaha ciyaaraha Barca ee Mateu Alemany u sameeyay ballanqaadka ah inuusan xiddigiisu dalabaadka kooxaha kale dhagaysan doonin ilaa uu war ka helo kooxda ree Spain.
Warbixinta ayaa intaas raacinaysa in 30 sano jirkaasi doonayo in mustaqbalkiisa la xaliyo kahor dhammaadka xilli ciyaareedka. Si lamid ah Barca, Juventus ayaa sidoo kale xiisaynaysa xiddiga kusoo guuleystay Euro 2020.