
Weriyeyaasha New York Times, CNN iyo Washington Post, ayaa kamid ahaa kuwa laga xiray akoonnada.
Guddoomiyaha Midowga Yurub, Vera Jourova, ayaa sheegtay in sharciga cusub ee adeegyada dhijitaalka ah ee Midowga Yurub, uu lagama maarmaan ka dhigayo “ixtiraamka xorriyadda saxaafadda”.
Xafiiska arrimaha dibadda ee dowladda Jarmalka, ayaa sidoo kale uga digay shirkadda Twitter-ka in “Xorriyada saxafada aan laga gorgor tami karin”.
Guddoomiye Jourova, ayaa sheegtay in warka ku saabsan xirista akoonadaa suxufiyiinta ee Twitter uu yahay “arrin walwalkeeda leh”.