Wasiir Janan oo faahfaahiyay sababta ay u tageen Gedo written by Warsan Radio 17/12/2022 Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirishiid Janan oo gaaray gobolka Gedo ayaa sheegay in uu halkaasi u tagay in uu fuliyo baaqii madaxweyne Xasan Sheekh ee ahaa in lala dagaalamo Al-Shabaab, lana abaabulo shacabka.Janan ayaa gaaray magaalada Dooloow, wuxuuna qeyb ka ahaa wafti uu hoggaaminayay Senator Jeneraal Cabdullaahi Fartaag, kuwaas oo markiiba heshiis la gaaray maamulka gobolka Gedo ee uu hoggaaminayo Axmed Buule Gareet.Qorshahooda ayuu ku tilmaamay in Al-Shabaab ka saaraan magaalada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe,isaga oo beeniyay in ay leeyihiin wax ajande siyaasadeed oo aanan ahayn in Alshabaab lala dagaalamo.Wafdiga gaaray Gedo ayaa gobolka kasoo galay dhanka Kenya kadib markii dhawr jeer ay u suurtagali weysay in ay kasoo galaan dhanka Muqdisho oo laga celiyay.Dhanka kale, hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka NISA ayaa mas’uul cusub usoo magacoowday booskii uu ka baxay Col Bakaal Kooke oo lagu diley qarax loo dhigay inta u dhaxaysa Dooloow iyo Luuq. Taliyaha cusub waxaa lagu magacaabaa Sareeye Guuto Axmed Xasan Sare. Wasiir Janan oo faahfaahiyay sababta ay u tageen Gedo was last modified: December 17th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Ururka Midowga Yurub oo ugu hanjabay shirkadda Twitter-ka cuna qabateyn next post Xildhibaano ka digay muddo kororsiga Laftagareen You may also like Dowlada Soomaaliya oo ku gacan seyrtey go’aan ka soo baxay guddiga xaqiiqo raadinta IGAD 27/01/2021 AMISOM oo Agab kala duwan gaarsiisay dad Barakacayaal ah 12/08/2020 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 11/04/2021 Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo Maanta la qabanayo 06/03/2022 Ururka Cilmi-Baarayasha Somaliyeed (SRA) oo Cilmi-Baaris ka Sameyay Darawalada Mooto Bajaajta 17/11/2020 Daawo muqaalka Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed ayaa kulan ay ku yeeshen Magaalada Baydhabo 11/05/2017 Somalia iyo Sucuudiga oo heshiis ku kala saxiixday Riyaad 13/11/2023 Puntland: Arday Gabdho u badan oo sanadkaan kaalimaha sare ka galay imtixaanka shahaadiga 10/08/2020 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 26/01/2021 Wasaaradda waxbarashada XFS oo soo bandhigtay waxbarasho lacag la’aan ah oo la siinayo 57-kun oo arday ah 29/11/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.