Erdogan oo xabbad-joojn hal dhinac ah ku cadaadiyey Putin written by Warsan Radio 05/01/2023 Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta ku cadaadiyey dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin inuu xabbad-joojin “hal dhinac ah” uga dhowaaqo Ukraine.“Madaxweyne Erdogan waxa uu sheegay in baaqyada nabadeed iyo wada xaajoodka ay tahay in lagu taageero xabbad joojin hal dhinac ah iyo aragti lagu doonayo xal dhex-dhexaad ah,” waxaa sidaas laga soo xigtay xafiiskiisa inuu u sheegay Putin oo ay ku wada-hadleen taleefonka.Erdogan ayaa lagu waday inuu wadahadalka raaciyo mid kale oo gaar ah oo uu la yeelanayo madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky galinka dambe ee Khamiista maanta ah.Hoggaamiyaha Turkiga ayaa u adeegsanaya xiriirka wanaagsan ee uu la leeyahay Moscow iyo Kyiv inuu isku dayo inuu dhexdhexaadiyo in la joojiyo dagaalka.Turkey ayaa martigalisay laba wareeg oo hore oo wadahadallo nabadeed ah, waxayna gacan ka gaystay in la fuliyo heshiis ay Qaramada Midoobay taageereyso oo dib loogu soo celinayo in haruurka Ukraine laga gudbiyo Badda Madow.Erdogan ayaa sidoo kale marar badan isku dayay inuu Putin iyo Zelensky keeno Turkiga, oo uu u qabto shir madaxeed nabadeed .Baaqa Erdogan ee xabbad joojinta ayaa daba socday soo-jeedin horraantii Khamiista ka timid hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Ruushka Patriarch Kirill oo ku aadan in xabad-joojin la sameeyo toddobaadkan ciidda masiixiga darteed.Erdogan wuxuu awooday inuu sii wado xiriirka wanaagsan ee uu la leeyahay Putin, isagoo diiday inuu ku biiro cunaqabateynta Reer Galbeedka ee Ruushka, iyo kor u qaadista ganacsiga labada dhinac inta uu socdo dagaalka.Labada hogaamiye ayaa hadda isku dayaya qorshe ay ku doonayaan inay ku sameeyaan xarun gaaska dabiiciga ah looga dhisayo Turkey, taas oo siin karta Ruushka hab kale oo uu gaaska ku gaarsiiyo Yurub.Xafiiska Erdogan ayaa sheegay in Turkigu “xoojiyey oo uu sii wadi doono xoojinta kaabayaasha” xarunta la soo jeediyay.Labada hoggaamiye waxay rajeynayaan inay “sida ugu dhakhsaha badan u fuliyaan mashruuca,” ayuu yiri xafiiska Erdogan. Erdogan oo xabbad-joojn hal dhinac ah ku cadaadiyey Putin was last modified: January 5th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhimashada qaraxyadii Maxaas oo gaartay 35 qof next post Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan You may also like dood ku saabsan dhaqdhaqaaqa 16ka maalmood ee December oo lagu qabtay magaalada baidoa 12/12/2022 Raysal wasaare Rooble oo marin habaabin ku tilmaamay guddiga baariseed ee uu madaxweyne Farmaajo magacaabay 15/09/2021 Sawirro: Ra’iisul wasaaraha oo Dhuusamareeb kula kulmay Odoyaasha Dhaqanka ee Xeraale iyo Huurshe 03/01/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 15/09/2019 Dhageyso: Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan 25/03/2023 Dhageyso;- Warka Fiidnnimo ee idaacada Warsan 06/08/2022 Ismaaciil Cumar Geelle oo markale loo dhaariyay madaxweynaha dalka Jabuuti 16/05/2021 Saaxiibbada Caalamka oo Boorriyay in la Xalliyo Muranka Siyaasadda, Xooggana la saaro Doorashooyinka 02/10/2021 AKHRISO:-GOLAHA WAZIIRADA SOOMAALILAAND OO ISKU SHAANDHEEN LAGO SAMEEYAY 04/12/2016 Dad ku dhintay Maanta Madaafiic ku dhacday Magaalada Laascaanood 13/08/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.