Mareykanka oo hubka ‘dilaaga taangiga’ u diraya Ukraine written by Warsan Radio 07/01/2023 Maamulka madaxweyne Jose Biden ayaa toddobaadkan ku dhawaaqay in Maraykanku uu Ukraine siin doono baabuurta dagaalka ee Bradley, si loogu isticmaalo dagaalka ka dhanka ah duullaanka Ruushka, tallaabadaas oo ay khubaradu sheegeen in ay wax weyn ka tari doonto.Bradley waa hub oo xoog badan oo awood u leh inay burburiso taangiyada cadowga. Waxa kale oo loo isticmaali karaa in lagula socdo goobaha dagaalka iyo in si degdeg ah loo dhaqaajiyo tiro yar oo ka mid ah ciidamada lugta, iyagoo bedqaba.Hubkan Bradleys ayaa wuxuu qeyb ka yahay xirmo gargaar oo weyn oo dhan $2.85 bilyan oo Mareykanku uu u ballan qaaday Ukraine.Ku dhawaaqista ayaa soo baxday isla maalita hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz uu sheegay in dalkiisu uu siin doono gaadiidka dagaalka ee Marder, oo la mid ah Bradleys, iyo nidaamka difaaca hawada ee Patriot.Maalin kahorna, Faransiiska ayaa ku dhawaaqay inuu bixin doono baabuurta gaashaaman ee dagaalka ee AMX-10 RC.Tallaabooyinkan ayaa muujinaya kordhinta taageerada Ukraine ee Maraykanka iyo xulafadiisa, kuwaas oo ka warwareegayay inay soo diraan nidaamyada sida Bradley iyaga oo ka baqayay in Ruushku kasii caroodo. Mareykanka oo hubka ‘dilaaga taangiga’ u diraya Ukraine was last modified: January 7th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Hadal hayn ka dhalatay, wiilka uu dhalay boqorka UK oo sheegay inuu dilay 25 qof next post Howlgallo ka billaawday degaano katirsan Galmudug You may also like Dhageyso :- Barnaamijka Kulanka Warsan 17/01/2022 Senator Afcadey & Saraakiil Ciidan oo booqday furimaha dagaalka 13/04/2023 DHAGEYSO: Warka Galab ee Idaacada Warsan 23/03/2020 Dilka Wiil dhalinyaro ah oo looga geeystay Magaalada Gaalkacyo 29/08/2022 Jubbaland Oo Soo Bandhigtay Ciidankii Ugu Badnaa Ee Loo Diyaariyay Dagaalka AL-Shabaab 28/11/2022 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Radio Warsan 06/06/2020 Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay dhameystiri doonto xeerarka Shidaal baarista 08/11/2022 Marwada Koowaad ee Dalka oo la kulantay madaxda Wakaaladda Iskaashiga iyo isku-duwidda Turkiga ee TIKA โSawirroโ 02/10/2021 Askari ka tirsanaa Ciidanka Xoogga oo dil toogasho ah lagu Xukumay 25/10/2023 Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir ayaa galabta ka qeyb galay daawashada kulan aad u xiiso badan oo Garoonka Kubadda Cagta ee Eng. 05/10/2024 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.