Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika written by Warsan Radio 15/01/2023 Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa meelo kamid ah gudaha dalkaas waxaa ay kudileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Soomaalida ku Ganacsata dalka Koonfur Afrika, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Nuur Cabdi ayaa xilliga la dilayay ay Kooxaha Burcadda ah ku weerareen dukaan uu iibinayay oo kuyaalla xaafada Thavesog ee hoostagta degmada soweto ee gobolka Gauteng ee dalkaasi koonfur Afrika.Ciidamo katirsan Booliska ayaa gaaray halka uu dila ka dhacay, iyaga oo sameeyay howlgallo baaritaano ah oo ay ku baadi goobayeen Burcaddii dilka geysatay wallow aysan ku guuleysan inay qabtaan.Xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaalida oo dhankooda tegay dukaanka lagu dilay muwaadinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in falka lagu toogtay muwaadinka Soomaaliyeed uu u muuqday fal bahalnimo ah ayna ka walaacsan yihiin.Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa si joogto ah loogu dilaa Soomaalida, iyada oo oo Kooxaha Burcada ah mararka qaar ay dhac u geystaan Goobaha Ganacsiga Soomaalida kadib markii ay dilaan. Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika was last modified: January 15th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Xildhibaanad hore oo lagu dilay Caasimadda Afgaanistaan. next post Wafdi horudhac u ah safarka Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Baydhabo You may also like Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 27/10/2019 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 19/01/2023 Dhageyso Warka Habeen ee Warsan Radio 01-12-2016 01/12/2016 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 17/08/2020 Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Taliyeyaal Ciidan (Wareegto) 23/02/2021 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 24/11/2021 Sii Hayaha Xilka RW oo kulan la qaatay Mas’uulyiinta Wasaarada Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidanka Xooga (Sawiro) 31/08/2020 Muwaadiniin Soomaali Ah Oo Siyaabo kala duwan loogu dilay dalka Koonfur Afrika 02/10/2022 Dhageyso;- Warka Glabnnimo ee I daacada Warsan 10/08/2022 Dhageyso: Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 23/12/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.