Taliska Nabad sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Magaalada Baydhabo kusoo bandhigey 12 xubnood oo Alshabaab katirsan kuwaas oo Ciidanka Hawlgal au ku soo qabteen .
Xubnahaan ayaa laga soo qabqabtay Magaalada Baydhabo iyo Deegaanada ku xeeran kadin markii Ciidanka Howlgalo balaaran Bilihii lasoo dhaafay ka wadeen Magaalada Baydhabo iyo Deegaannada hoos yimaada.
Xubnahan ay soo qabteen Ciidanka Nabadsugida koonfur Galbeed ayaa Alshabaab u kala qaabilsanaa aruurinta sakawaadka iyo jabhada.
Ciidanka Hay’ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa howlgalo ballaaran ka wada Deeganada Koonfur Galbeed kuwaasi oo lagu xaqiijinayo amniga guud ee Deeganada Koonfur Galbeed.