Kulan ay xalay isugu yimaadeen waxgarad, siyaasiyiinta iyo aqoonyahannada beelaha dega Hirshabelle ayaa looga hadlay aaya ka tashiga degaannada Hirshabelle iyo u diyaar garowga doorashada Hirshabeelle oo bilo ka dhimanyihiin.
Kulanka oo daba socday kulan ay toddobaadkii hore Muqdisho ku yeesheen beelaha Abgaal ee dega Hirshabelle ayaa ilo wareedyo Risaala TV u xaqiijiyeen in lagu saaray guddi soo diyaariya shirwayne dhammaan beelaha dega Hirshabeelle uga tashanayaan aayaha Hirshabelle iyo sidii loogu dhisi lahaa maamul samata bixiya degaannada Hirshabelle oo colaado iyo maamul xumo la degeen tan iyo markii la aasaasay dowlad gobaleedka Horshabelle sannadkii 2016.
Degaannada Hirshabeele oo ka kooban labada gobal ee Hiiraan iyo Shabeellada dhexe ayaa hadda waxa kala maamula dowlad gobaleedka Hirshabelle iyo Maamul la magac baxay Hiiraan State oo maamula inta badan gobalka Hiiraan gaar ahaan magaalada Beledweyne oo guud ahaan laga saaray maamulkii Hirshabelle iyo madaxweyne ku xigeenkii Hirshabelle mudane Yuusuf Dabageed oo Jowhar usoo guuray.