Ha’addaha Amniga ee Dawlad goboleeka Galmudug ayaa bandow ka bilaabanaya maqribkii, soconayana illaa salaadda subax ku soo rogay magaalada Xarardheere ee gobolka.
Bandowga lagu soo rogay Xarardheere ayaa Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug sheegeen in uu yahay mid amniga degmadaas lagu xaqiijinayo.
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug Abshir Cabdi Shiiqow oo u waramay Warbaahinta Risaala ayaa Tilmaamay sababta bandowga loogu soo rogay Xarardheere ay tahay sidii looga hortagi lahaa fallal amni darro oo ka yimaada Al-Shabaab oo dhawaan halkaasi laga saaray.
Sidoo kale wasiirku waxa uu sheegay in su’aallo la waydiin doono cid kasta oo magaalada soo gasha xiliyada bandowga .