Wararka imaanaya magaalada laascaanood ayaa sheegaya Dagaal u dhexeeya ciidamada Somaliland & Dadka deegaanka uu maanta markale ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo galay maalintii 15-aad oo xiriir ah.
Dagaalka ayaa waxaa Wararku ay sheegayaan inuu bilowday ka dib markii Ciidamada Somaliland ay weerar ku soo qaadeen Fariisin ciidanka deegaanka ay ku leeyihiin duleedka L degmada Laascaanood .
Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.
Sidoo kale ciidamadda Somaliland ayaa lagu eedeeyay inay weli madaafiic ku ridayaan Laascaanood taas oo uga sii dartay xaalaa ka jirta magaaladaas. Oo ay isaga barakaceen inta badan dadkii deganaa .
Madaafiicda ku soo dhacda xaafadaha magaalada laascaanood ayaa waxa ay khasaare ka soo gaartaa dadka shacabka ah ee ku nool.