
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyay shir looga hadlayo dar dar galinta dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ee dhinaca fikirka, taasi oo qayb ka ah qorshaha dowladda oo ah in Alshabaab lagala dagaallamo 3 jiho oo kale ah dhaqaalaha, fikir iyo dagaalka tooska ah ee ka socda gobolladda dalka.
Shirka ayaa lagu falanqeeyey qaabkii Alshabaab looga guuleysan lahaa dagaalka fikirka ah, iyadoo la adeegsanayo culimaa’udiinka Soomaaliyeed, isla markaana xoogga la saarayo sidii wacyigalinta loo gaarsiin lahaa deegaannada dhawaan laga xoreeyey oo barnaamijka xasillinta loo dhinac wadi lahaa dagaallanka Waxa loogu yeero fikirka xagjirka ah.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dadka ku dhaqan deegaannada laga saaray Alshabaab laga hirgaliyo goobo lagu soo bandhigayo caqiidada saxda ee Islaamka, isla markaana dadka looga wacyi galinayo fikirka khaldan ee ay Alshabaab dadka u sheegayeen shan iyo tobankii sanno ee u danbeeyey ayaa lagu yiri war ka soo baaxay Xukuumadda Soomaaliya.