Ra’iisu Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Ms Tiina Intelmann oo ay ka wada hadleen sidii mashaariicda horumaniyeed ee Midowga Yurub ka taageero Soomaaliya loogu salayn lahaa barnaajiyada ahmiyadda u leh xukuumadda.
Danjiraha Midawga Yurub Ms Tiina Intelmann ayaa la wadaagtay Ra’iisul Wasaaraha in Midowga Yurub uu sii wadi doono barnaajiyadda horumarinta ee uu ka taageero Soomaaliya, iyadoo sheegtay in xilligan Midowga Yurub kaalin wayn ka qaadan doono barnaamijka xasilinta deegaannada laga saaray Al-Shabaab.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa u jeediyay Danjiraha Midowga Yurub in mashaariicda horumarineed ee ay ka taageeraan Soomaaliya lagu saleeyo arrimaha mudnaanta u leh dowladda xilligan, gaar xasillinta deegaannada laga saaray Al-Sabaab oo hadda ay xukuumaddu ka wado hannaankii dadka deegaanka lagu gaarsiin lahaa adeegyadda aasaasiga ah.
Dhowrkii Bilood ee la soo dhaafay ayaa Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa degaanka waxaa ay degaano dhowr ah kala wareegeen Al-Shabaab, iyada oo degaannadaas a u baahan yihiin in la gaarsiiyo adeegyadii Bulshada.