Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa degaanka ayaa weeraray goobo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab oo dhaca xadka gobolka Galguduud uu la wadaago Shabeellaha Dhexe.
Saraakiisha Ciidamada xooga dalka ayaa sheegay inay ka warheleen in Xubno katirsan Al-Shabaab ay isku aruursanayeen degaanka Sabansableey, si ay u qaadaan weeraro qorsheysan balse ay ka hortageen.
Sidoo kale Saraakiisha waxaa ay sheegeen inay khasaaro xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay ku gaarsiiyeen Al-Shabaab dagaalkii ka dhacay degaanka Sabansableey ee oo dhaca xadka gobolka Galguduud uu la wadaago Shabeellaha Dhexe.
.Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Sabansableey ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ay weli halkaasi howlgallo xoogan ka wadaan, isla markaana mararka qaar la maqlayo rasaas goos goos ah.