
Ujeedada kormeerkan Wasiirka Amniga’ Guddoomiyaha iyo xubnihii la socday oo ay
ku sameeyeen deegaanka Aw-Cumaan ayaa iskugu jirtay qiimeeynta’ dardargelin howlaha shaqo iyo siduu yahay ganacsiga deegaanka.
Wasiirka Wasaaradda Amniga Mudane Hassan Abduladir Mohamed oo ugu horeyn Bulshada la hadlay ayaa faah-faahiyey ujeedka wuxuuna sheegay in muhiim ay tahay in lala shaqeeyo maamulka Degmada si horumar waara loo gaaro.
Guddoomiye Abdulkadir oo bulshada la hadlay ayaa yiri” dowladiina ayaa idiin timid waxaa tihiin bulsho dowlad jaceyl waxaana idiinku nimid inaan aragno kana war’hayno waxaad u baahan tihiin iyo qaabka ay u shaqeynayeen adeegyadii la idiin qabtay mar walba waxaan garab taaganahay bulshada ku nool deegaanka Aw’cusmaan iyo guud ahaan bulshada Degmada Walanweyn.
“Hadii ceelal aad u baahan tihiin goobo caafimaad waxbarasho iyo waxwalbo adeegyadda aas-aasiga ah waan qiimeynaynaa waxna waan ka qabaneynaa insha Allah idiinka wax idiinku nahay waxaana la idiinka rabaa inaad dowladiina iyo maamulkiina garab istaagtaan.