
oghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri) oo safar shaqo ku jooga wadanka Uzbekistan ayaa ka qeyb galay kulanka 150-aad ee xoghayaasha Baarlamaanka Adduunka oo ka dhacay magaaladda Tashkent ee caasimadda wadankaasi.
Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka ayaa ka qeyb galayaasha kulanka la wadaagay warbixin ku saabsan howlaha Baarlamaanka Soomaaliya, shuruucda uu ka shaqeeyay iyo horumarka uu sameeyay
Sidoo kale xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri) ayaa ka qeyb galay kulanka guddiga fulinta ee xoghayaasha baarlamaannadda carabta kaas oo hordhac u ahaa kulanka golaha guud ee Baarlamaanka Adduunka oo ka dhici doona wadanka Aljeeriya, waxaana guddiga meelmariyay Ajendaha kulanka guud.