
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa dhigiisa dalka Masar Badr Abdelatty la yeeshay wada hadallo ka dhacay magaalada Qaahira.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay iskaashiga dalalka Soomaaliya iyo Masar ee dhinacyada Amniga, Siyaasadda iyo dhaqaalaha, iyaga isla gartay in ay sii wadaan wada-shaqeynta heer gobol iyo caalami ah, si ay uga hortagaan caqabadaha ka jira gobolka Geeska Afrika.
Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay Masar taageerada ay siiso Soomaaliya dhinacyo badan, isagoo muujiyay sida dowladdiisu uga go’an tahay in ay sii xoojiso xiriirka kala dhaxeeya dalka Masar.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar wuxuu hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in la xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal, gaar ahaan Dagaalka AS. Wuxuuna ku baaqay in la kordhiyo dadaallada heer gobol iyo caalami si looga hortago weerarad AS.
Abdelatty wuxuu carrabka ku adkeeyay in Masar ay ixtiraamayso midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana ay taageero buuxda u hayso hay’adaha dowladeed iyo dadaallada lagu sugayo amniga iyo xasilloonida.
