
Waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay kulamo u dhaxeeya Madax ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wafdi sare oo ka socda dalka, Ciraaq kuwaasi oo uu horkacayo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Ciraaq, Cabdi Amiir Kaamil Al-Shamari.Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS, Mudane Cabdixakiim Ashkir, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Amiir, Guddoomiyaha Hayβadda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA), Mudane Maxamuud Macallin, iyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Ciraaq, Mudane Ridwaan Xersi Maxamed.Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada la dagaallanka argagixisada, xasillinta dalka, dib-u-heshiisiinta, dimoqraadiyeynta, iyo maamul-daadejinta.Labada wasiir ee arrimaha gudaha Soomaaliya iyo Ciraaq ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ee dhanka arrimaha gudaha iyo wada shaqaynta guud ee hayβadaha labada dhinac.