
Maali ayaa hakisay dhaqdhaqaaqii siyaasadeed ee dalka oo dhan ka hor mudaaharaad la qorsheeyay oo looga soo horjeedo taliska milatariga ee xukumayay tan iyo afgambiyadii 2020 iyo 2021.
Axsaabta siyaasadeed ee dalka Galbeedka Afrika ayaa dalbaday in dib loogu soo celiyo nidaamka dastuuriga ah iyo doorashada madaxtinimo, waxaana la filayaa inay isugu soo baxaan banaanbax maalinta Jimcaha ah.
Si kastaba ha ahaatee, Taliska Milliteriga ayaa bayaan uu Arbacadii soo saaray waxa uu ku sheegay in la hakiyay dhaq-dhaqaaqyadii Xisbiyada Siyaasadda iyo Ururrada kale ee Siyaasadda ilaa amar dambe si loo ilaaliyo Ammaanka guud.
Toddobaadkii hore, shir heer qaran ah oo ka dhacay dalkaas ayaa lagu soo saaray in hoggaamiyaha Gen. Assimi Goita loo magacaabo madaxweyne isagoo haysta muddo shan sano ah, iyada oo la kala diray dhammaan xisbiyada siyaasadda.
Sannadkii 2024-kii, Mali waxay samaysatay heshiis iskaashi oo loo yaqaan Isbahaysiga Waddamada Sahel (AES), kaas uu kala dhaxeeya dalalka ay dariska yihiin ee kala ah, Burkina Faso iyo Niger, ka dib markii ay u jartay xidhiidhkii millatari ee muddada dheer ay la lahayd Faransiiska iyo quwadaha kale ee reer galbeedka.