
Kooxo hubeysan ayaa afduub u geystay gaadiid rakaab ah oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho kuna sii jeeday magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, iyadoo falkaasi ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Wargaadhi iyo Cad Cadeey ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Gaadiidkan afduubka loo geystay ayaa lagu soo waramayaa in ay saarnaayeen in ka badan 130 qof oo isugu jira haween, carruur, waayeel iyo dad xanuunsan. Wararka ayaa sheegaya in afduubayaasha ay rakaabka ula dhaqaaqeen dhanka deegaanka Nuur Dugle, halkaas oo la rumeysan yahay in lagu hayo dadka la afduubtay.
Guddoomiyaha Guddiga Gaadiidka Safarka Gaalkacyo, Maxamed Daahir Cirbayare, ayaa sheegay in arrintani tahay afduub lala xiriirinayo is-aarsasho hore oo u dhaxeysay kooxaha hubeysan ee ku sugan gobollada dhexe. Wuxuu xusay in gaadiidka hadda lagu haysto Shabeellaha Dhexe loo afduubtay si loogu beddelo gaadiid kale oo la sheegay in lagu haysto degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.
Sida uu sheegay Cirbayare, afduubayaasha gobolka Hiiraan ayaa ka careysan qaad (jaad) lagu dhacay xilligii degmada Aadan Yabaal ay gacanta ku haysay dowladda Soomaaliya, taasoo horseedday falkaan is aarsiga ku saleysan.
Afduubkan ayaa cabsi iyo carqalad ku abuuray dadka safarka u mara waddooyinka dhexmara gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan. Dadka safarka ah ayaa hadda wajahaya halis amni oo sii korortay, waxaana bulshada iyo ganacsatada dalbanayaan in dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle ay si degdeg ah uga jawaabaan dhacdadan, ayna ka hortagaan in la adeegsado dadka rayidka ah sidii hub lagu gorgortamo.
Maamulka gobolka weli kama uusan hadlin dhacdadan si rasmi ah, iyadoo weli la sugayo tallaabada ay qaadaan hayβadaha amniga.