
Mid kamid ah odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa si adag uga hadlay xayiraadii shalay dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka qaaday duulimaadyadii mudo bilooyin ah ka maqnaa degmadaas, taasoo sababtay go’doon dhanka isu socodka ah oo gobolka kusoo rogmey.
Odayga oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah ayaa dowladda ku eedeeyay in aysan daacad ka ahayn talaabada ay qaaday ee sheegtay in la furay duulimaadyadii degmada Doolow. Wuxuu sheegay in ay muuqato in dowladda dhexe ay si ula kac ah bulshada gobolka Gedo u kala qaybinayso, iyadoo dan siyaasadeed ka leh xaaladda cakiran ee halkaas ka taagan.
“Maaha markii ugu horreysay ee dowladda ay sidaan oo kale uga baxdo ballan ay qaaday. Xayiraadda duulimaadyada waa mid lagu cadaadinayo shacabka gobolka, waxayna qayb ka tahay isku dayada lagu wiiqayo midnimada dadka deegaanka. Dowladda waxaa la gudboon inay dhex dhexaad noqoto, ee aysan dab ka dhex hurin dad walaalo ah oo hal gobol wada deggan,” ayuu yiri odayga dhaqanka.
Wuxuu sidoo kale carabka ku dhuftay in dowladda Federaalka ay si toos ah uga shaqaynayso kicinta khilaafka siyaasadeed iyo bulsho ee gobolka ka dhex taagan, gaar ahaan is mari waaga u dhaxeeya maamulka Jubaland iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.
“Isku dhacyadii ka dhacay gobolka waxaa lahaa gacmo muuqda, dowladduna waxay dooneysaa in ay dhibaato ka abuurto halkaas si ay u adkayso saameynteeda siyaasadeed, taasoo dhaawacaysa jiritaanka dowladnimada,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay odaygu.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo khilaaf siyaasadeed oo muddo sanado ah taagnaa uu wali ka taagan yahay gobolka Gedo, iyadoo Jubaland iyo dowladda dhexe ay isku hayaan gacan ku haynta maamulka gobolkaas. Magaalada Doolow, oo ah meel istiraatiiji ah oo xuduud la leh Itoobiya iyo Kenya, ayaa kamid ah meelaha uu muranku xoogiisa ka jiro.
Si kastaba ha ahaatee, shacabka deegaanka ayaa rajo ka qaba in xal waara laga gaaro muranka siyaasadeed si ay noloshoodu ugu soo noqoto caadiyadii, loogana fogaado isku dhacyo mar kale halis gelin kara xasiloonida gobolka.