
Walaac xooggan ayaa laga muujiyay kororka weerarrada iyo isku dayada afduub ee ay burcad-badeedda Soomaalida ku beegsanayaan maraakiibta maraya xeebaha Soomaaliya, iyadoo xaaladdan ay soo celisay cabsi horey loo qabay oo ku saabsan amniga badda.
Wararka ayaa sheegaya in koox burcad-badeed Soomaali ah oo shalay qabsatay markab ganacsi ay maanta isaga degeen markabkaas, kaddib markii shaqaalihii saarnaa ay isku dhuunteen qolalka badbaadada meelaha loogu talagalay in shaqaalaha lagu ilaaliyo marka ay jiraan khataro sida weerarrada burcad-badeedda.
Kooxda weerarka qaaday ayaa la sheegay inay ku adkaatay la wareegidda maamulka markabka, iyadoo howlgalka badda ee Midowga Yurub (Atalanta) uu si dhow ula socday dhacdada.
Markabka Isbaanishka ah ee qeybta ka ah hawlgalkaas ayaa markii uu u soo dhowaaday goobta, burcad-badeeddii ayaa go’aansaday inay isaga degaan markabka.
Khubarada amniga badaha ayaa ka digay in weerarrada noocan ah ay dib u kicin karaan halis amni oo saameyn karta maraakiibta ganacsiga iyo dhaqaalaha gobolka, iyagoo ku baaqay in la xoojiyo ilaalinta iyo kormeerka biyaha Soomaaliya.
