
Dowladda Turkiga ayaa ballaarisay Saldhigyada dibadda ay ku leedahay iyada oo noqotay Awoodda labaad ee Caalamka marka la eego tirada Xarumaha Militari ee ku yaalla Meelo kala duwan sida lagu muujiyay xog uruurin arrintaas laga sameeyay.
Maraykanka oo keliya ayaa ka badan, waxaana uu saldhigyo waa wayn ku leeyahay Qaaradda Afrika sida Soomaaliya, Liibiya iyo Jamhuuriyadda Jaad, halka uu cilaaqaad wanaagsan uu la leeyahay Dalal badan oo Gobolka dhaca.
Turkiga ayaa loolan adag la galay Dalalka Faransiiska, Ruushka iyo Kuwa Khaliijka Carabta isaga oo awooddiisa Militari ku lifaaqay Dhaqaalaha iyo Siyaasadda waddamada uu xiriirka la leeyahay oo uu wanaajiyay sida hadalka loo dhigay.
Ankara ayaa iskaashi xooggan la samaysay Dalalka Soomaaliya, Liibiya, Jaad, Suuriya, Ciraaq iyo kuwo kale oo dhaca Bariga Dhexe iyo Afrika si loo kordhiyo cilaaqaadka kala dhaxeeya una hesho saldhig Militari maadaama ay dalalkaas yihiin kuwo istaraatiiji ah xiligaan.
