Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in Soomaaliya ay leedahay kheyraad badeed oo aad u ballaaran, balse shacabka iyo hay’adaha dalka aysan weli si buuxda uga faa’iideysan fursadaha ku jira badda.
Wasiirka ayaa sheegay in taariikh ahaan ay jireen dalal shisheeye oo laba jeer Soomaaliya ugu soo duulay dano la xiriira helitaanka qeyb ka mid ah badda iyo kheyraadkeeda, isagoo xusay in caalamka uu marar badan soo maray loollan loogu jiray khayraadka badaha.
“Dawladdo shisheeye ayaa laba jeer u soo weeraray Soomaaliya si ay qeyb uga qaataan badeenna, dadkeenuna maanta dhul qalalan ayay isku haystaan, halka dhaqaalaha ugu weyn uu ku jiro badda,” ayuu yiri Wasiir Cabdiqaadir.
Wuxuu sheegay in fahamka shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan kheyraadka badda uu weli hooseeyo, isagoo tilmaamay in dad badan ay aqoon u lahayn noocyada kala duwan ee kalluunka iyo xayawaannada badda ku jira, inkastoo Soomaaliya ay leedahay xeeb ka mid ah kuwa ugu dheer Afrika.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in kalluumeysiga, gaadiidka badda, dalxiiska, adeegyada dekedaha iyo ganacsiga badda ay yihiin fursado dhaqaale oo ka weyn kuwa laga helo dhulka.
“Dhaqaalaha laga sameeyo badaha adduunka wuxuu ka badan yahay kan laga sameeyo dhulka. Badda ma aha meel laga cabsado, waa meel ay ku jiraan khayraad iyo fursado badan oo u baahan cilmi iyo qorshe,” ayuu yiri.
Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay wacyigelin ballaaran oo lagu barayo shacabka qiimaha badda, gaar ahaan kalluumeysiga iyo ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah.
Wuxuu xusay in xeebaha Soomaaliya ay leeyihiin awood dalxiis oo weyn, balse aysan weli jirin maalgashi ku filan oo laga sameeyay goobaha dalxiiska, hoteellada xeebaha iyo adeegyada loogu talagalay dadka gudaha iyo dibadda ka imanaya.
“Badda ma aha meel jinniyo laga baqo, waa meel ay ku jiraan dhaqaale, khayraad iyo fursado badan.
Waxa loo baahan yahay waa aqoon iyo sidii aan uga faa’iideysan lahayn,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.
