
Bartamaha magaalada Baydhabo waxaa lagu qabtay munaasabad ballaaran oo lagu xusayay dhalashada Suubbanaha Nabi Muxamed (NNKH), iyadoo ay ka qeybgaleen dadweyne aad u tiro badan oo isaga kala yimid xaafadaha magaalada.
Munaasabadda ayaa waxaa khudbad ka jeediyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, isagoo ka hadlay muhiimadda ay leedahay xuska iyo barashada taariikhda, akhlaaqda iyo hanuunka Nabi Muxamed (NNKH).
Dadweynaha isugu soo baxay bartamaha Baydhabo ayaa muujiyey sida ay u xushmeeyaan Nabi Muxamed (NNKH), iyadoo munaasabadda lagu daray salaatu-nabiga, wacdiyo iyo xusuusin ku saabsan ku dayashada akhlaaqda iyo dhaqanka suubban ee Rasuulka (NNKH).
Xuskan ayaa qeyb ka ah munaasabadaha diimeed ee lagu xuso dhalashada Nabi Muxamed (NNKH), kuwaas oo bulshada loogu gudbiyo fariimo ku saabsan midnimada, walaaltinimada, akhlaaqda wanaagsan iyo ku dhaqanka diinta Islaamka.
Magaalada Baydhabo ayaa munaasabadda awgeed laga dareemayay jawi diimeed iyo xus gaar ah, iyadoo qeybaha kala duwan ee bulshada ay ka qeybqaateen munaasabadda.
Halkan Kadaawo 👉 https://www.facebook.com/share/v/1Yfvo9qPjY/
Warsan Radio — Baydhabo.
