Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar, ayaa si adag u dhaliilay siyaasadda Jabhadda Xoreynta Ogaadeeniya (ONLF), kaddib markii garab ka tirsan ururka uu sheegay inay suuragal tahay in dib loo bilaabo halgankii hubaysnaa.
Madaxweyne Mustafe oo ka hadlayay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee deegaanka ayaa sheegay in kooxo uu ku tilmaamay kuwo siyaasiyan fashilmay ay isku dayayaan inay dadka u abuuraan filasho ah in isbeddel siyaasadeed iyo colaad cusub ay soo socdaan. Waxa uu sheegay in Itoobiya ay xilligan wajahayso caqabado amni iyo siyaasadeed, iyadoo meelo ka mid ah dalka ay ka socdaan halganno hubaysan, isla markaana kooxaha qaar ay arrinta ka faa’iidaysanayaan.
Madaxweynaha ayaa si gaar ah u dhaliilay kooxo uu sheegay inay muddo tobannaan sano ah ku jireen halgan aan natiijo muuqata laga gaadhin. “Waxa jira kooxo dadka ku leh isbeddal ayaa soo socda, colaado in laga abuuro deegaanka raba. Kooxahaasi waa kooxo fashilmay siyaasiyan oo muddo ka badan 42 sano ku jiray siyaasad aan midho-dhalayn.”
Mustafe ayaa sheegay in hadallada iyo waxa uu ku tilmaamay “sheeko-xariirooyinka” laga baahinayo warbaahinta ayna wax ka beddeli karin xaaladda deegaanka, isla markaana kooxahaasi ayna haysan awood siyaasadeed ama taageero shacab oo gudaha deegaanka ah oo ay isku halayn karaan.
Waxa uu sidoo kale sheegay in dadka aan loo abuuri karin “filasho been ah”, isagoo tilmaamay in muddadii dheerayd ee halganka hubaysan iyo siyaasadeed aan laga arag horumar uu sheegay in bulshada loogu ballanqaaday. “40-kaas sano wax hoos dhac ah mooyee wax kor u kaca lama arag,” ayuu yidhi Madaxweynaha, isaga oo intaas ku daray in arrintaasi ay muujinayso, sida uu sheegay, in dadka sidaas u fikiraya ayna lahayn hoggaan siyaasadeed oo macquul ah.
ONLF ayaa muddooyinkii dambe wajahaysay kala qaybsanaan siyaasadeed iyo mid hoggaamineed, iyadoo ay jiraan laba garab oo waaweyn oo sheeganaya matalaadda ururka. Garabka dibadda ku sugan ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh Mahdi ayaa kamid ah dhinacyada kasoo horjeeda siyaasadaha dowladda Deegaanka Soomaalida iyo Itoobiya, waxayna dhawaan sheegeen inay suuragal tahay in dib loo bilaabo halgankii hubaysnaa.
Dhinaca kale, waxaa jira garab uu hoggaamiyo Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbidhax, kaas oo xaruntiisu tahay magaalada Jigjiga, isla markaana isu beddelay xisbi siyaasadeed oo ka diiwaangashan deegaanka.

