
LONDON, UK — Sagal Abdi-Wali, oo ah hoggaamiyaha Camden Council ee waqooyiga London, ayaa loo doortay inay noqoto musharraxa xisbiga Labour Party ee doorashada ku celiska ah ee lagu buuxinayo kursigii uu ka degay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Britain, Sir Keir Starmer.
Doorashada ku celiska ah ayaa ka dhacaysa deegaanka Holborn and St Pancras 8-da Oktoobar 2026, kaddib markii Starmer uu ku dhawaaqay inuu ka tanaasulayo kursigiisa Baarlamaanka Britain.
Sagal Abdi-Wali, oo asal ahaan Soomaali ah, waxay Britain timid iyadoo carruur ah horraantii sagaashamaadkii. Waxay muddo dheer ku dhex jirtay adeegga bulshada iyo siyaasadda deegaanka, iyadoo sanadkii 2022 loo doortay xildhibaan ka tirsan Camden Council. Bishii May 2026 ayay noqotay hoggaamiyaha Camden Council.
Doorashadeeda musharraxa Labour ayaa muhiimad gaar ah u leh bulshada Soomaaliyeed iyo bulshooyinka laga tirada badan yahay ee Britain, iyadoo haddii ay ku guuleysato ay noqon karto xildhibaan Soomaali-British ah oo matasha kursi ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka UK.
Sagal ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay kalsoonida ay xubnaha Labour u muujiyeen, iyadoo tilmaantay in deegaanka ay u tartamayso uu yahay meel ay ku kortay, qoyskeedana uu magan-gelin ka helay.
“Meeshani waxay soo dhaweysay qoyskayga markii aan ahayn qaxooti, waxayna na siisay rajo markii aan u baahnayn,” ayay tiri Sagal Abdi-Wali.
Sagal ayaa kursiga Labour kula tartami doonta musharraxiin ka socda xisbiyada kale. Tartanka ayaa si gaar ah loo filayaa inuu noqdo mid adag, iyadoo hoggaamiyaha Green Party ee England iyo Wales, Zack Polanski, uu sidoo kale doonayo inuu xoog ku yeesho doorashada.
Doorashadan ayaa sidaas darteed noqon karta mid muhiim u ah Labour, gaar ahaan maadaama Holborn and St Pancras uu muddo dheer ahaa deegaan ay Labour si xooggan uga taageersan tahay.
Sagal Abdi-Wali ayaa hadda wajahaysa olole siyaasadeed oo weyn, iyadoo guul ay ka gaarto doorashada 8-da Oktoobar ay u horseedi karto inay noqoto mid ka mid ah wejiyada cusub ee bulshada Soomaaliyeed iyo kuwa laga tirada badan yahay ku metela siyaasadda heer qaran ee Britain.
