Mudane Cabdisalaan Dhaaay Wasiirka arimaha dibadda soomaaliya ayaa sheegay inuu khadka telefoonka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Yemen, H.E. Dr. Afrah Al-Zouba, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee Yemen.
Cabdisalaan Dhaaay wuxuu sheegay in Soomaaliya ay mar kale xaqiijisay taageeradeeda joogtada ah ee midnimada, madax-bannaanida, amniga iyo xasilloonida Yemen, isagoo sidoo kale xusay muhiimadda ay labada dhinac siinayaan sugidda amniga badda ee Gacanka Cadmeed.
Soomaaliya waxay xaqiijisay taageeradeeda midnimada, madax-bannaanida iyo xasilloonida Yemen. Cabdisalaan Dhaaay ayaa sheegay inuu la hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Yemen, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo amniga badda ee Gacanka Cadmeed.

