Baydhabo, 15 Sebteembar 2026 — Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa magacaabay Guddiga Heer Wasiir ee Diyaar-garowga iyo Ka Jawaabista Saamaynta El-Niño ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Guddigan ayaa loo xilsaaray in uu hormuud ka noqdo dadaallada dowladda ee ku aaddan diyaar-garowga, ka hortagga iyo wax-ka-qabashada saameynta ka dhalan karta xaaladaha El-Niño, iyadoo la xoojinayo isku-duwidda hay’adaha kala duwan ee dowladda.
Magacaabista guddigan ayaa ku soo beegmaysa xilli muhiimad gaar ah la siinayo diyaar-garowga iyo maareynta xaaladaha degdegga ah ee saameyn kara bulshada, gaar ahaan dadka ku nool deegaannada u nugul fatahaadaha, abaaraha, barakaca iyo dhibaatooyinka kale ee ka dhalan kara isbeddellada cimilada.
Guddiga Heer Wasiir ayaa la filayaa inuu iska kaashado qiimeynta xaaladaha jira, qorsheynta jawaab-celinta degdegga ah iyo isku-xirka hay’adaha dowladda iyo bah-wadaagta bani’aadantinimada, si loo yareeyo saameynta ay xaaladaha cimiladu ku yeelan karaan shacabka.
Dowladda Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale xoogga saaraysa muhiimadda ay leedahay diyaar-garow hore iyo jawaab mideysan, si bulshada loogu diyaariyo xaalad kasta oo ka dhalan karta saameynta El-Niño.



