
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Maxamed Cismaan Xaaji Jiidow, ayaa si rasmi ah u daahfuray tababar ku saabsan Nidaamka Is-Qiimeynta Dugsiyada (School Self-Assessment) iyo kan Jaamacadaha (University Hight level assesments).
Tababarka ayaa waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah maamulayaasha dugsiyada degmada Baydhabo, iyadoo sidoo kale tababarkan laga furay qaar ka mid ah degmooyinka kale ee Koonfur Galbeed, gaar ahaan Afgooye, Wanlaweyn, Marka , Buurhakaba iyo Waajid.
Agaasimaha Waaxda Tayo-dhowrka iyo Halbeegyada ayaa ka qeybgalayaasha siiyay faahfaahin ku saabsan nidaamka is-qiimeynta dugsiyada, isagoo sharaxay muhiimadda nidaamkan, habka loo adeegsado iyo doorka uu ka qaadanayo horumarinta tayada iyo waxqabadka dugsiyada.
Wasiir Maxamed Cismaan Xaaji Jiidow ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in dugsiyadu yeeshaan hannaan joogto ah oo ay ku qiimeeyaan waxqabadkooda, ku ogaadaan meelaha u baahan horumar, isla markaana qaadaan tallaabooyin lagu xoojinayo tayada adeegga waxbarashada.
Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in hirgelinta Nidaamka Is-Qiimeynta Dugsiyadu ay qeyb muhiim ah ka tahay dadaallada Wasaaradda ee lagu horumarinayo tayada, halbeegyada iyo tayo-dhowrka waxbarashada.
Tababarkan ayaa qeyb ka ah qorshayaasha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ku xoojinayso awoodda maamulayaasha dugsiyada iyo horumarinta tayada waxbarashada guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed.

