{WARSANRADIO}Dowlada jabuti ayaa bilowday qorshe ay dib ugu celinayso shirkada fadhigeedu yahay wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta saamiga ay ku lahayd dekeda Dooraale kadib markii labada dhinac uu is afgaran waa soo kala dhex galay.
Aboubakar Omar Hadi, Guddoomiyaha Dekedaha Jabuti ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in ay dowladiisu diyaar u tahay in ay dib ugu celiso saamigii ay ku lahayd shirkada DP World dekeda Dooraale.
Hadi ayaa intaa ku daray in ay dowladiisu iibsan doonto saamiga ay lahayd shirkada DP World oo gaarayay boqolkiiba 33 balse shirkada Dp World ayaa dowlada Jabuti dacwad ka gudbisay.
Dalka Jabuti ayaa noqday wadan ay ku tartamaan dalalka qaniga ah si ay maalgashi ugu sameeyaan ugana faa’ideystaan goobta istiraatiijiga ah ee dalkan uu kaga yaal caalamka,waxaana laga xusi karaa wadamaadaas dalka Maraykanka,China, Japan iyo wadankii hore u gumeysan jirey ee Faransiiska.
Dowlada Jabuti ayaa dooneysa in dekedaheeda iyo garoomadeeda diyaaradaha ay noqdaan kuwo wadamada kale ee qaarada Afrika ay isticmaali karaan.
Madaxa Dekedaha dalka Jabuti Hadi ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in balaariyaan garoonka diyaaradaha magaalada Jabuti iyadoo qarashka ku baxayana uu gaarayo $350 million.