{WarsanRadio} Mas,uuliyiinta Maamulka degmada Baardheere ayaa maanta waxay xariga ka jareen Ceel Biyood ku shaqeynaya Solarka oo markii ugu horeysay laga hergeliyey degmada Baardheere,Ceelkani oo ah Ceelka keliya ee laga heli karo biyo macaan ayaa waxaa hergelintiisa iska kaashadey Maamulka Degmada oo taageero dhaqaale ka helaya mid ka mid ah Hay,ayadaha Samafalka.
Mas.uuliyiinta ka hadashey Xafladii lagu furayey Ceelka Bulsho oo ay ka mid yhiin Cabdulaahi Nuur Xasan Cadow oo ah Gudoomiyaha Baardheere iyo Ismaaciil sh Cabdi Qorax oo ah G/Ku xigeenka degmada Baardheere ayaa waxay sheegeen in ay ka faraxsan yahiin Ceel biyoodka ku shaqeynaya Soolarka ee laga hergeliyey degmada Baardheere,waxayna sheegeen hergelinta Ceelkani inuu ka mid ahaa Wejiga labaad mashaariic horomarineed ee laga hergeliyey degmada Baardheere .
Ceelkani ayaa waxuu ku yaalaa Xaafada Bulsho ee duleedka Waqooyi ee degmada Baardheere,waxaana markiisii hore Biyo ka heli jirey Xaafadaha u dhow dhow halka uu ku yaalo Ceelka,balse talaabadani lagu qalabeeyey Ceelka ,laguna balaariyey ayaa u horseedaysa in dad lagu qiyaasey ilaa 3 kun oo qoys una badan Barakacayaal ah in ay helaan biyo lacag la,aan ah,halka Xaafadaha ku dhow ceelkana loo sameeyey qiimo dhimis xaga biyaha.
Aden faarax Cali waa Maamlaha Ceelka Bulsho ee maanta sida buuxda loogu wareejiyey Mas,uuliyada Ceelka Bulsho,waxaana uu sheegay inuu Bulshada uu ugu shaqeyn doono ceelkaasi,waxuuna balan qaadey qoysaska degan Xeryaha Barakacayaasha Kam jirax iyo horseed uu ku siin doono si lacag la,aan ah,halka Qoysaska degan xaafadaha u dhow ceelkana uu sheegay 40%in ay u sameyn doonaan qiimo dhimis.
Qaar ka mid ah Qoysaska Barakacayaasha ee degan Xeryaha Kaamjirix iyo Horseed ayaa soo dhaweeyey talaabadani ay ku heleen biyaha ,waxayna sheegeen in ay heleen Biyo nadiif ah oo lacag la,aan ah,islamarkaana Tubooyinka Biyaha loo geeyey xeryaha ay degan yahiin,taasina ay wax weyn ka tareyso noloshooda.