{WARSANRADIO} Waxaa Gabi ahaanba is taagey Adeegyadii Caafimaad ee uu Bixin Jirey Cisbitaalka degmada buur hakaba ka dib markii dawadii cisbitaalka dhamaatey hay’adii gacanta ku heysey cisbitaalkana joojisey adeegyadii ay ka caawin jirtey cisbitaalka
Arintaasi waxey sababtey in maamulka degmada uu qeylo dhaan ka muujiyo waxaana idaacada warsan la Hadley gudoomiyaha degmada buur hakaba maxamed Cabdiqaadir isagoo sheegey in cisbitaalka uu adeegyadii uu bixin jirey istaag ku yimaado iyagoo maaqyo iyo ogeysiin mar hore ay u direen wasaarada caafimaadka kgs na illa iyo hada aan jawaab ka helin .
Bukaano badan ayaa jiifey cisbitaalka intii uu shaqeynaayey balse mar hadii la waayey dawooyinkii cisbitaalka bukaanada kula tacaali jirey waxaa bukaan jiifkii ay noqdeen kuwo saameyn xoogan ku yeelato xaaladan cisbitaalka la soo daristey .
Mudo sanad ku dhow ayuu cisbitaalka sidaan ku soo socdey iyadoo ugu dambeyna shaqadii ay istaagto labadii bil u dambeysey waxaa dhiig bax u dhintey haween uu la lahaa oo loo soo qaadey cisbitaalka magaalada baydhabo inta ay wadada ku soo jireena ay dhexda ku dhinteen sidaa waxaa yiri gudoomiyaha degmada buur hakaba.
Waa cisbitaalka kaliya ee degmada ku yaala kaasi oo ay ku xirnaayeen dadka reer buur hakaba iyo ku dhawaad lixdan tuulo oo buur hakaba laga maamulo kuwaaso bukaanada laga keeno la soo seexin jirey xarunta cisbitaalka degmada buur
Waqtigaan dadka xanuunada kala duwan soo rita waxey dabiib u soo raadsadaan magaalada baydhabo oo buur hakaba 60 Km u jirta .