Deegaanka teed oo xeradan ku taala waxey xudur u jirtaa 30 km waxaa dhawaan fadhi ku yeeshey cutubyo ka tirsan ciidanka qalabka sida ee gobolka bakool .
Booqasho ku aadan u kuur galida xaalada ciidamada ku sugan deegaanka waxaa ku tagey saraakiisha ciidamada militariga maamulka gobolka bakool iyo kan degmada xudur
Wafdigan goortii ay gaareen xerada waxey warbixin ku aadan xaalada amaan iyo tan nololeed ee ciidanka ka dhageysteen saraakiisha gacanta ku haaya ciidanka xerada ku jira
Gudoomiyaha gobolka bakool maxamed cabdi tool iyo gudoomiyaha degmada xudur maxamed macalin ayaa ku booriyey ciidamada ku sugan xerada ciidan ee teed iney yihiin kuwa difaaca magaalooyinka goblka gaar ahaana magaala madaxda gobolka ee xudur loogana baahan yahay in ay dulqaad muujiyaan oo amaanka deegaankana ay ka shaqeeyaan .
Deegaanka teed waxaa uu xuduud la wadaaga dowlad deegaanka is maamulka soomalida itoobiya waxaana uu ka mid yahay deegaanada wali al shabaab gacanta u galin .