Baydhabo Somaliya{WMN}- Wasiirka Caddaaladda iyo Garsoorka ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Ibraahim Lug-buur ayaa waxaa uu farxad ku tilmaamay in KGS, ay yeelato urur midaysan oo ay ku kulansan yihiin qareernada Maxkamadaha.
Waxaa uu sheegay in Abukaataha uu yahay u doodaha xuquuqda Bani’aadanka, islamarkaana ay bulshadu u baahan tahay.
Wasiirka waxaa uu tilmaamay in ujeeddada ay tahay sidii looga gudbi lahaa caddaalad darada loona gudbo iftiinka.
Furitaanka xafiiska ururka Qareenada ayaa waxaa ka qayb-galay baahda caddaaladda Soomaalida gaar ahaan kuwa ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Hoos ka dhagayso waraysi aan la yeelanay wasiir Lug-buur, waxaana uu u waramay wariyaheena Mukhtaar sheekh Aadan Dalmar