Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Xilalkii Ka qaaday wasiiro ka tirsan xukuumadiisa.
Xubnaha xilka laga qaaday ayaa waxaa ka mid ah Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga mudane Geelle isaaq Iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha Hirshabelle mudane Luqmaan Haji Baarqab.
Sidoo kale wareegtada madaxweyne Waare ayaa waxaa lagu magacaabay wasiiro cusub, kuwaasi oo kala ah Wasiir ku xigeenka amniga Mudane Xasan Maxamed Cilmi, waxaana sidoo kale wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyada loo magacaabay Mudane Yuusuf Sh. Xasan Macalin
0Share