Maamulka Jubbaland ayaa goor dhawayd si kulul uga hadashay war ka soo baxay dawlada Soomaaliya, kaas oo loogu aqoonsaday madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe in uu yahay madaxweyne KMG ah.
War ka soo baxay madaxtooyada maamulka Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in ay sharci darro tahay, isla markaasina uu tahaymid aan waafaqsanayn dastuurka oo jawaab rasmi ah ka bixin doonaan, sida uu ku sheegay war qoraal ah oo boggiisa Twitter-ka ku soo daabacay agaasimaha madaxtooyada Jubbaland Abshir Maxamed.