Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku casuumay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in ay ka soo qaybgalaan Shirka Golaha Amniga Qaranka ee JFS, oo ka dhici doona Magaalada Muqdisho.
Shirkan oo qabsoomaya inta u dhaxaysa 5-8 Luulyo, 2020 ayaa ajandihiisu yahay, sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) waxa ay adkaynaysaa muhiimadda shirkan, maadaama uu dhammeystir u yahay guulaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee ay wadajirka u xaqiijiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxa uuna shirku jihaynayaa geeddi socodka dimuqraadiyeed ee dalkeenna.
Warkan ayaa lagu shaaciyay barta Villa Somalia ku leedahay shabakadda bulshada wada xiririsa ee Facebook
Madaxtooyada Somaliya oo muddeysay shirka Madaxweynaha iyo Maamul Goboleedyada
previous post