Golaha Midowga Musharixiinta ayaa maanta Muqdisho kula kulmay xubno ka socda ururada bulshada rayidka ah iyagoo ka wada hadlay caqabadaha weli ku hor gudban doorashada 2020 – 2021 iyo sidii xal loogu heli lahaa caqabadahaas.
Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta mudane Sharif Sheikh Ahmed ayaa sheegay in hoggaanka ururada bulshada rayidka ay Midowga Musharixiinta ka codsadeen in ay dhex dhexaadin ka sameeyaan caqabadaha arimaha doorashooyika ee taagan.
Sheekh Shariif ayaa sheegay in dhankooda ay soo dhoweynayaan doorka dhex dhexaadinta ee ay qaateen ururada bulshada rayidka Soomaaliya.
Guddoomiyaha ururada bulshada rayidka Tahliil Shaatax oo kulanka kadib la hadlay saxaafada ayaa sheegay in kulankan uu bilow u yahay dhex dhexaadin ay ka galayaan caqabaha jira iyo arimaha lagu muransan yahay ee guddiga doorashooyinka, isagoo xusay in ay la kulmi doonaan madaxda ugu sarreysa ee dowladda federaalka si xal iyo heshiis loo dhan yahay looga gaaro doorashada Soomaaliya 2020 – 2021.
Kulankan wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo waqtiga la qorsheeyay inay ka dhacdo doorashada dalka uu sii dhamaanayo, dowlada federalkana ay ku mashquushay arrimo ay ka mid yihiin xiriirka kala dhexeeya dalka Kenya.