Wasaarada Caafimaadka dowlada federalka ayaa warbixintii u dambeysay ee cudurka Covid 19 waxa ay ku sheegtay inay u dhinteen dad gaaraya 18 ruux oo siddeed ka mid ah ay ku geeriyoodeen gobolka Banaadir.
Warbixinta ayay ku sheegtay wasaarada caafimaadka in tirada 24 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka: 2,028 isla markaana laga helay dad gaaraya 244 ruux.
Dadkan ayaa 152 laga helay Puntland balse waa baaritaanadii la sameeyey muddo toddobaad ah. Gobolka Banaadir ayaa laga helay 25,Somaliland 45 ruux,Jubbaland 7 ruux,Hirshabelle 6 ruux iyo 3 ruux oo laga helay Galmudug.
Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in 61 ruux ay ka bogsadeen cudurka. isla markaana tirada guud ee cudurkan ugu geeriyootay Soomaliya ay gaartay 367 ruux.