Ciidanka Booliska Somaliland ee Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa Maanta Magaaladaas kasoo masaafuriyey ku dhawaad 700 oo qof oo ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Gobolada Baay iyo Bakool.
Dadkan ay soo masaafurisay Somaliland ayaa isugu jiray Haween, dhalinyaro, Carruur iyo Odayaal oo ku jiraan Ganacsato yaryar, waxaana Somaliland ay dadkaas ku eedeysay amni-darro iyo dilal qorsheysan oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay Laascaanood.
Wasiirka Wasaaradda warfaafinta dowlad goboleedka konfur galbeed Soomaaliya mudane ilyaas cali nuur ayaa si kulul uga hadlay tallaabada ay Somaliland kusoo masaafurisay dadka kasoo jeeda koonfurta Soomaaliya.
Wasiir ilyaas Cali Nuur ayaa sheegay in aad xun yihiin dadka Soomaaliyeed ee Maanta laga soo masaafuriyay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, wuxuuna tilmaamay falkaas inuu yahay wax ku cusub dhaqanka suuban iyo kan Dowliga ah.
“Waxaan wax garadka, Culimada, aqoonyahanada, Isimada, Cuqaasha, hayadaha u dhaq dhaqaa xuquuqda aadanaha iyo Shacabweynaha laascaanood ugu baaqayaa in aysan ka aamusin raalina ka noqon falkaan foosha xun, dowrkoodana ka qaataan xalinta arinkaan” ayuu yiri Wasiirka waraafinta
Si kastaba Booliska Somaliland ayaa ku dhawaad 700 oo qof oo ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Gobolada Baay iyo Bakool isugu geeyay Garoonka kubada Cagta Laascaanood, iyagoona halkaas kasoo saaray gaadiidka nooca xamuulka, isla markaana soo masaafuriyey, kuna eedeeyay dadkaas amni-darro iyo dilal dhacay.