Saldhig ku yaala Shabeellaha Hoose oo lagu qaaday Weerar madaafiic ah written by Warsan Radio 17/03/2022 Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay weerar madaafiic ahaa ku qaadeen Saldhig Ciidamada Uganda ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin deganka Bariire oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.Goobjoogayaal ku sugan degmada Qoryooleey ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen jugta madaafiicda oo qaarkood ku dhacay Xerada Ciidamada Uganda & agagaarkeeda, balse aysan cadeyn karin qasaaraha ka dhashay wallow wararka qaar ay sheegayaan in uu jiro khasaaro dhaawac ah oo ka dhashay.Al-Shabaab oo ka hadlay weerarkaas ayaa sheegtay inay madaafiicda ay la heleen Gudaha Xerada Ciidamada Uganda, isla markaana qasaaro xoogan ay ku gaarsiiyeen, balse aysan jirin dad madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan Ciidamada Uganda dhankooda ay weerarka madaafiicda ah ka jawaabeen, isla markaana dhowr madfac ay ku tuureen degaannada ku dhow dhow degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,Isla markaana howlaha isku socodka dadka iyo Ganacsiga ay si caadi ah u socdaan. Saldhig ku yaala Shabeellaha Hoose oo lagu qaaday Weerar madaafiic ah was last modified: March 17th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dagaalka Ukraine iyo Wararkii ugu dambeeyay next post Mareykanka oo kordhiyey tirada madaxda Soomaalida ee uu xayiraadda kusoo rogey You may also like Dhageyso: Barnaamijka Dhacdooyinka Idaacada Warsan 06/04/2023 Dhageyso: Maamulka Degmada Xudur Ee Xarunta Gobolka Bakool Oo Kahadlay Maxkamada Gobolka Oo Degmadaasi Laga Hirgalin Doono. 03/12/2019 Toogasho ka dhacday Maraykanka & Khasaaro ka dhashay 14/02/2023 Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Malawi oo is dilay 01/10/2021 Dhageyso:-DAAWO: SAWIRADA BIYO LA’AAN IYO ABAAR BAAHSAN OO KU DHAFTEY GOBOLKA BAY 19/12/2016 video 40 qoys oo kamid ah barakacayaasha ay Abaarta saamaysay ayaa deeq usoo dhiibatay luul 25/03/2017 Deeq bixiyaasha Caalamka oo Lacago Malaayiin doolar ugu yaboohay Wadamo ay Soomaaliya ku jirto 25/05/2023 Galmudug oo bilowday deegaameynta dadka soo barakacay 30/06/2022 Shirkadda Facebook Ayaa La Ganaaxay Lacag Dhan 600 Milyan 21/10/2021 Imaaraadka Carabta oo qaaday xayiraaddii dhaqaale ee Israel 30/08/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.