Guddiga Doorashada Hirshabeelle ayaa shahaadada Murashaxnimo Gudoonsiiyay ilaa lix Musharax oo u tartamaya kursiga tirsigiisu yahay HOP#106.
Doorashada ayaa dhici doonta maanta sida ay xaqiijiyeen guddiga.
Kursigaan waxaa horay ugu fadhisay Mino Xasan Shibis, waxaa uu ahaa Qoondo dumar balse hadda waxaa ku tartamaya xubno u badan rag marka laga reebo hal qof oo dumar ah.
Guddiga Doorashada Hirshabeelle ayaa shahaadadii Murashaxnimo Gudoonsiiyay Murashaxiinta kala ah
1 Osman Mohmed Mohamud ( Xaadole)
2 Shadoor Haji Mohamud
3 Fowziya Sheikh Ali Mohamud
4 Bashiir Mohamed Yusuf
5 Yusuf Abdi Abdulle
6 Yaxye Abuukar Aden