Taliska Ciidamada Booliiska Gobolka Jubbada Hoose ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta Magaalada Kismaayo kusoo bandhigay Rag ku eedeysan inay xadeen Ari.
Ragga la soo bandhigay oo laba ah ayaa Magacyadooda lagu kala sheegay Muscab Cabdiraxmaan & Deeqow, waxaana lagu soo qabtay holwgal ka dhan ahaa Burcadda oo laga sameeyay Magaalada Kismaayo.
Afhayeenka qeybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose Gaashaanle Dhexe Jaamac Axmed Xasan ayaa u mahad celiyay Ciidamadii fuliyay howlgalka lagu soo qabtay raggaan ku eedeysan inay xadeen Ariga.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray raggaan ay ahaayeen kuwo siwyen u dhibaateeyay Shacabka kunool Magaalada Kismaayo, sigaar ahna u xadi jiray Ariga, sidoo kalena ay jioraan rag kale oo ay ku raad joogaan.
Raggan ay Maanta soo bandhigeen Ciidamada Booliska Magaalada Kismaayo ayaa sida ay talisku sheegeen kamid ahaa rag ay Ciidamada ku raad joogaan kadib cabasho ka timid Bulshada Magaalada.