Dagaal ka dhacay Afgooye & faah faahin laga helayo written by Warsan Radio 30/05/2022 Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa xalay xili dambe waxaa ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.Dagaalka ayaa sigaar ah uga dhacay Buundada yar ee degmada Afgooye oo fariisinka ku leeyihiin Ciidamada dowladda, waxaana dagaalka sida la sheegay ka dhashay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca laba kale.Saraakiisha Amniga degmada Afgooye iyo mas’uuliyiinta Maamulka ayaan si faah faahsan uga hadlin weerarka Al-Shabaab, hayeeshee wararka saaka nasoo gaaraya ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan isla markaana isku socodka Ganacsiga iyo Gaadiidka ay yihiin kuwo si caadi ah u Shaqeeynaya.Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weeraray Saldhigyada Ciidamada dowladda ee Degmada Afgooye, iyaga oo gudaha degmadaas ka geystay dilal qorsheysan, balse Maamulka degmadaas ay sheegeen inay adkeyn doonaan Amniga Guud ee degmada si looga hortago weerarada iyo falalka ay geystaan Al-Shabaab. Dagaal ka dhacay Afgooye & faah faahin laga helayo was last modified: May 30th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo aqbalay kala diristii Ra’iisul Wasaaraha next post Xiisad dagaal oo ka taagan Magaalada Buuhoodle You may also like Dowladda oo faah-faahisay khasaaraha howlgal ka dhacay Jubbada Dhexe 21/12/2023 Qarax qabsaday Markab Xamuul iyo khasaaro ka dhashay 27/12/2022 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 03/01/2022 Qin Jian “Somaliya waa dal leh dhul ballaaran iyo khayraad dabiici oo fara-badan” 28/02/2021 Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan 28/11/2021 Dab Khasaaro geystay ka kacay Goobo Ganacsi oo ku yaalla Walanweyn 08/10/2020 Dad Muslimiin Ah Oo Lagu Laayay Gobolka Amxaarada Ee Dalka Itoobiya 28/04/2022 Daawo video Farmaajo Banaanbaxa magaalda baydhabo oo xoogeystay daawo wilyar wadani ah 10/02/2017 Dhageyso:-Warka Galab ee Radio Warsan 04/06/2020 Akhriso: Magacyada Xubnaha Aqalka Sare ku matalaya Guddiga Arrimaha Dastuurka ee la Magacaabay 21/06/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.