
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay weerar jidgal ah ku qaadeen Kolonyo katirsan Ciidamada Jubbaland, xilli ay marayeen Inta u dhaxeeysa degaannada Baarka iyo halka loo yaqaano dhul-baraha ee duleedka Magalada Kismaayo.
Wararka la helay ayaa sheegaya in dagaalka uu ku dhintay al askari oo kamid ahaa Ciidamada Jubbaland laba kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo la geeyay Magaalada Kismaayo.
Saraakiil katirsan Ciidamada Jubbaland ayaa waxaa ay dhankooda sheegeen in ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinac Al-Shabaab, isla markaana khasaaro farabadan ay gaarsiiyeen wallow aan weli la helin warar madax bannaan oo xaqiijinaya warkaas.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka uu dagaalka ka dhacay ayaa sheegaya in xaaladda ay haatan tahay mid degan, isla markaana Ciidamada howlgallo ay sameeyeen kadib ay dib u laabteen Magaalada Kismaayo.
