Ciidanka DANAB oo la wareegay degaanka Ceelbaraf & faah faahin laga helayo written by Warsan Radio 27/06/2022 Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa gudaha u galay degaanka Ceelbaraf oo hoostaga degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.Ciidanka DANAB oo wata Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ayaa ka tegay degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in Ciidanka DANAB ay si nabadgelyo ah kula wareegeen degaanka Ceelbaraf kadib markii ay isaga baxeen Al-Shabaab.Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in saaka Ciidamada DANAB lagu arkayo waddooyinka soo gala iuo kuwa ka baxa degaanka Ceelbaraf, iyaga oo sidoo kale gudaha degaanka ka wada howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.Badi dadkii degaanka degaanka Ceelbaraf ayaa isaga barakacay kadib markii ay ka cabsadeen in dushooda lagu dagaalamo, waxaana xaalad kacsanaan ah ay kajietay degaanka tan iyo 3-dii Bishii May oo Al-Shabaab ay weerar qaraxyo ku billowday ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Burundi, taas oo keentay inay degaanka isaga soo baxaan Ciidamada Burundi ee howlgalka ATMIS & kuwa dowladda Soomaaliya.Wararka kale ee Risaala heleyso ayaa sheegaya in Ciidamo katirsan kuwa howlgalka ATMIS ay kusoo wajahan yihiin degaanka Ceelbaraf, kuwaas oo hadda howlgallo miino baaris ah ka wada wadada u dhaxeeysa degaannada Ceelbaraf iyo Miirtaqwo ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Ciidanka DANAB oo la wareegay degaanka Ceelbaraf & faah faahin laga helayo was last modified: June 27th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Wasiir Beyle oo diiday go’aankii loogu yeeray ee ka soo baxay xeer ilaaliyaha qaranka next post Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay Gobolka Hiiraan You may also like Duqa Muqdisho oo Hay’adda IOM kala hadlay wax u qabashada dadka kasoo barakacay Abaarta 19/06/2022 Madaxweyne Xasan Sheekh oo cadeeyay mowqifkiisa dagaalka Laas-Canood 07/02/2023 DHAGEYSO+SAWIRO:-BEEL DEGTA KGS OO YEESHEY KULAN LAGU TAAGEERAYEY MALAAQA GUUD EE BEESHOODA. 22/07/2018 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 19/02/2021 Wasaaradda Gargaarka iyo Musiibooyinka Koonfur Galbeed oo digniin soo saartay 17/06/2020 Wasiirka Batroolka oo Maanta hortagaya Xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka 25/04/2022 Maxkamadda gobolka Banaadir oo u fariisanaysa dacwad ka dhan ah eedeeysanayaal loo haysto musuq 01/08/2023 Xaaladihii ugu dambeeyay xanuunka COVID-19 ee dalka 19/07/2020 Qarramada Midoobey oo soo dhaweysay wada-hadallada hoggaamiyayaasha Soomaalida 05/04/2021 Isra’il oo dooneysa inay ku biirto Midowga Afrika 23/07/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.