Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay Gobolka Hiiraan written by Warsan Radio 27/06/2022 Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso oo meelaha fogfog laga hago ayaa Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya waxaa lagula eegtay duleedka Waqooyi ee Gobolka Hiiraan.Ciidamada ayaa xilliga la qarxinayay howlgalo ka waday wadada u dhaxeeysa Magaalada Beledweyne & degmada Matabaan, waxaana Qaraxa uu qabsaday Gaari NOAH oo ay saarnaayeen rag ay Wariyeyaal kamid yihiin.Wararka la helay ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen ilaa Saddex qof tiro kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ay kamid yihiin dadka dhaawacmay Wariyeyaasha Khaalid Muxumed (Ilkacase) iyo Cabdikariin Shabeellow iyo Nin kale oo Magaciisa lagu sheegay Cabdi Gureey.Gaariga qaraxa uu qabsaday ayaa qeyb ka ahaa kolonyo kamid ah Ciidamada Dowladda iyo madaxda Gobalka Hiiraan oo Howlgallo ka wada wadada u dhaxeeysa degmooyinka Beledweyne iyo Matabaan, waxaana qaraxa uu qabsaday xilli ay marayeen degaanka Qabno oo u dhow degmada Matabaan.Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxaas ayaa la kala geeyay degmooyinka Beledweyne & Guriceel, waxaana la sheegay in Ciidamada ay weli howlgallada ay sii wadaan. Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay Gobolka Hiiraan was last modified: June 27th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Ciidanka DANAB oo la wareegay degaanka Ceelbaraf & faah faahin laga helayo next post Golaha Ammaanka oo ku dhawaaqay in Dowladda Cusub kala Shaqeynayaan curyaaminta dhaqaalaha Al-Shabaab You may also like Dhageyso:-Ku celis Qeybta 6 aad ee Barnaamijka Beeraha 30/10/2020 Dhallinyaro Soomaali ah oo laga soo musaafurinayo dalka Canada 08/09/2023 Dhageyso;- Warka Subaxnnimo ee Idaacada Warsan 24/09/2022 Magaalooyinka Shiinaha ayaa ku dhiiraday mowjadda shaqaalaha Foxconn ee COVID-ku dhuftay Zhengzhou 30/10/2022 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN 19/12/2021 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 29/11/2022 Erdogan oo xabbad-joojn hal dhinac ah ku cadaadiyey Putin 05/01/2023 Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo Maanta xukun riday Nin lagu helay in qof Shacab ah uu ku diley Boondheere 11/01/2021 Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan 08/01/2022 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 10/06/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.